Xaflad aroos ah oo laba lamaane oo indhoole ah loogu sameeyey Hargeysa DAAWO

By: , Post on:30 July, 2012,
Share this story

Lamaanayaal aan qaban laxaadka Indhaha ayaa aqal-galkoodu ka dhacay Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo Aroosku noqday mid aad xiiso u geliyey Bulshada.

Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo xaalkiisa Hooda Maxamed IIdaan , ayaa iyaga oo gacmaha is-haysta ayaa soo fuulay masraxa hoolkii aroosku ka dhacay oo ahaa Hotel-ka Imperial ee Magaalada Hargeysa , taasoo uga yaabisay dadkii ku sugnaa arooska , isla markaana waxa ay iswaydaarsadeen sharaabka si la mida lamaanayaasha indhaha qaba. Waxaana hoolka soo buux dhaafiyay dadweyne isagga kala yimid xaafadaha duwan ee Magaalada Hargeysa ,kuwaasoo daawasho yimid dhacdan layaabka leh.

Waxaana ay tani noqotay dhacdo soo jiidatay indhaha warbaahinta iyo dadka reer Hargeysa oo maanta uga faaloonayay siyaabo kala duwan. Cabdicasiis Cali oo ka mid ah dadka ka hadlaya qaabka uu u dhacay Arooskani ayaa yidhi

“Anigu runtii waxa ay ugu ahayd wax la yaab leh , waaxa aroos cajiib leh,laakiin waa aynu u ducaynaynaa , waa dad aan lahayn laxaadka indhaha waxa aan leeyahay Ninka iyo gabadhan guurkoodu waa mucjiso, waana wax aanan weli maqal, hase yeeshe waxa ay anigu ila ahayd aan isu guurin , waayo dee hagaya, ileen waa kuwan indhaha leh, sideebuu noqon doonaa xaalkoodu mustaqbalka”

Sidoo kale Maxamed Jaamac oo isna ka hadlay Arooskan ayaa waxa uu yidhi“Aroos aan la arag ayuu ahaa kani, xalay waan joogay, dee siday gacmaha isku haysteen, ee gacmaha la isku dhaafsaday walaahi waan tacajabay , waxa aan odhan lahaa dadka dhibaataysan arrintooda hoos ha loo eego”

Akhriste bal fikirkaaga halkan noogu soo dir si aanu usoo daabacno in ay is guursadaan laba qof oo xaga arraga ka laxaad li`i iyo sida ay wax isu tari karaan.

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Xaflad aroos ah oo laba lamaane oo indhoole ah loogu sameeyey Hargeysa DAAWO"