Tartankii Somali idol oo xalay lagu qabtay Örbero Sweden DAAWO SAWIRADA
Tantankii hirgalinta heesaha ee Somali idol 2012 ayaa xalay si rasmi ah uga furmay magaalada örbero ee dalka Sweden, iyada oo ay ka qeybgaleen todoba fanaan oo ah kuwo da’yar oo qaarkood fanka ku cusub, waxaana hool weyn oo tiyaatar ah oo loo sameeyey ka soo qeybgalay dadweyne aad u fara badan.
Furitaanka tartankan ayaa waxaa lagu daah furay heeso ay soo bandhigayeen fanaaniinta Sayid Khaliifa iyo Bashiir Cali xuseen, waxaana intaas ka dib bilowday tartankii, iyada oo gudigii garsoorayey tartanka ay sheegeen in tartanka uu yahay mid tijaabo ah fanaaniinta lagu kala saarayo in ay tartamada kale ka qeybgali karaan iyo in kale waxa uuna fanaan kasta la imaanayey hees uu iska leeyahay ama horay loo qaaday.
Tartamayaasha tartanka ka qeybgalay ayaa waxa ay kala ahaayeen.
Idiris Maxamed Axmed¨ Cai Maxamed Yalaxow Cali Maxamed Yalaxow Axmed Cusmaan Ibraahim Mahad Xuseen Cadaawe Naadir Cali Xaashi Sharma-arke C/kariin Shiikh Nuur Idil Caddow Aadan Jamaal Baarbe Cali Maxamed C/llaahi Warsame
ka dib markii ay heeseen, gudigii garsoorkana ay dhinacyo badan ka qiimeeyeen ayaa waxaa natiijadii go’aanka uu noqday in labada tartama ee idis iyo Axmed Cusmaan ay ka hareen wareega labadaad oo caawa ka soconaya magaalada Gävle ee waqooyiga dalka Sweden, halkaasina waxaa wareega labaad u soo gudbay shantii kale oo caawa iyagana tartamaya.
Gudiga garsoorayey tartanka waxa ay kala ahaayeen.
Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi Sayid Khaliifa Bashiir Cali Xuseen Iyo Axmed Saalax Qaasim
Intii tartanka uu socday ayaa waxaa dhextaal u ahaa ruwaayado iyo gabayo, waxaana xusid mudneyd ruwaayad hal ku dhigeedu ahaa Jaakadii madoobeed oo ay soo bandhigayeen jilayaasha kala ah, C/laahi Bashiir, cali yalaxow, iyo cabdi kariin Goleey, waxaana ruwaayadaasi ay ka tarjumeysay dhaqanada guracan ee la xiriira dhalinyarada yurub ka tagta ee soomaaliya isku soo qarxiya ama ku biira kooxaha argagixisada.
Waa markii ugu horeysay oo tartan noocaan oo kale ah uu ka dhaco qurbaha weliba lagu muujinayo horumarinta dhaqanka iyo fankeena, waxaana howlwadeenada Somali Idol ay sheegeen in tartaka uu noqon doono mid ka hirgali doono guud ahaan qaarada yurub iyada oo ugu dambeyntii la isugu imaan doono Soomaaliya.



























