Taariiq nolaleedkii Alaah ha u naxariistee madaxweyne C/lahi yuusuf

By: , Post on:24 March, 2012,
Share this story

Allah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/hi Yuusuf Axmed waxa uu khilaaf ka taagan yahay halka uu ku dhashay iyadoo la sheego in uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo halka dad kalana ay qabaan inuu ku dhashay C/hi Yuusuf Axmed miyiga magaalada Wardheer .

Si kasta ha ahaatee C/hi Yuusuf waxa uu dhashay sanadkii 1932kii, waxana uu ku biirey ciidamada sanadkii 1950kii dadaal dheer kadib waxa uu helay derajada xiddigle waxana uu waxbarsho ciidamadeed ku soo qaatay dalka Ruushka.

C/hi Yuusuf waxa uu si cad ugaga soo horjeestay afgambigii uu xukunka ku qabsaday Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 1969kii, waxana xilligaas xabsiga la dhigey C/hi Yuusuf isagoo markii dambe la soo daayay sanadkii 1975tii, waxana uu markaa dib u sii watay ciidanimadiisii isagoo ka qeybgalay dagaalkii 1977dii, sanadkii 1979kii kadib afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Soomaaliya ayuu C/hi Yuusuf u baxsaday dalka Kenya waxana uu ugaga sii gudbay wadanka Ethiopia.

C/hi Yuusuf Axmed waxa uu noqday muwaadinkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee aasaasay jabhad. Waxana uu dhisey jabhadii SSDF oo bilowday in dagaal ay kala soo horjeesato dowladii Maxamed Siyad Barre sanadkii 1978dii.

Sanadkii 1985tii ayay iskhilaafeen C/hi Yuusuf madaxweynihii xilligaa ee dalka Ethiopia Mingiste Hayle Mariam waxana uu khilaafkooda ku saabsanaa qaabka ay u howlgalayso jabhada SSDFta iyo deegaanada ay ka qabsato dowlada Somaliya sida laga yeelayo.

Waxana uu C/hi Yuusuf ku adkeystey in deegaanka ay qabsadaan aan laga dejinaynin calanka Soomaaliya balse Mingiste ayaa doonayay in calanka Ethiopia laga taago dhulka laga qabsado dowladii Soomaaliyeed ee xilligaa jirtey.

C/hi Yuusuf ayaa xabsi ku jirey tan iyo markii xukunka laga riday Mingistu Hayle Mariam sanadkii 1991kii.

C/hi Yuusuf waxaa laga bedely beerka oo uu ka xanuunsaday isagoo lagu bedelay beer qof kale uu leeyahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Sanadkii 1998 wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Puntland ee lagu dhisay shirkii Garowe.

Sanadkii 2002 wuxuu dagaal la galay madaxweynihii ay baarlamaanka Puntland doorteen ee Jaamac Cali Jaamac isagoo markii dambana dadaal weyn u galay inuu la heshiiyo, wuxuuna xukunka ku wareejiyay Gen Cadde Muuse Xersi.

October 2004 magaalada Nairobi ayaa loogu doortay madaxweynaha DFKMG ah oo ahayd markii ugu horeysay oo nidaam federaal ah Soomaaliya loo sameeyo. Waxana ay dowladiisii xarun ka dhigatay magaalada Jowhar. Hase yeeshee waxa uu markii dambe u wareegay magaalada Baydhabo.

18-kii September 2006 ayaa C/laahi Yuusuf uu ka badbaaday weerar isqarxin ah oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Baydhabo.  Waxaa weerarkaasi ku geeriyooday afar ruux oo uu ku jiro walaalkii C/salaam Yuusuf Axmed.

29-kii Disembar 2008 markii khilaaf xoog leh soo kala dhex galay isaga iyo R/wasaarihiisii markaas Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna warqadii iscasilaada ka hor akhriyey baarlamaanka KMG oo joogay Baydhabo xilligaasi. Waxana uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed ee is casilo.

Illaa iyo  wixii ka dambeeyey markii uu xukunka ka degey wuxuu ku noolaa magaalada Sanca ee wadanka Yemen halkaasoo magangelyo siyaasadeed uu ku siiyey ninka ay saaxiibka ahaayeen ee Cali Cabdalla Saalax.

Hase yeeshee markii Cali Cabdalla Saalax uu la kulmay mucaaradad weyn ayuu u soo wareegay Abu Dubai Allaha u naxariistee C/hi Yuusuf Axmed halkaa oo uu saaka oo ah 23/03/12 waaberigii ku geeriyooday.

C/hi Yuusuf ayaa qoray buug uu kaga hadlayay noloshiisii isagoo ugu magacdaray Halgan iyo Hagardaamo.

Share This Post:

Add a Comment on "Taariiq nolaleedkii Alaah ha u naxariistee madaxweyne C/lahi yuusuf"