Senegal oo dhuunta u gashay Britain, furitaanka cayaaraha olympikada
MANCHESTER (CIYAARO) – Dalka martida loo yahay ee Britain ayaa waji gabax uusan fileyn wuxuu kala kumay ciyaartiisii furitaanka ee ciyaaraha Olympic Games markii ay 1-1 bareejo ah la galeen xulka tarranka gabi ahaantiis ku cusub ee Senegal, ciyaartii ka dhacday Old Trafford ee Group A.
Britain oo aan tartankaan ka soo qeybgalin mudo 52 sano ah ayaa hogaanka ciyaarta waxaa u dhiibay daqiiqadii 20d rug cadaaga reer Wales Craig Bellamy ee 33 sano jirka ah kana mid ah 3da ciyaartoy ee ugu da’da weyn xulka la isku yiraah Great Britain.
Hayeeshee xilli ay reer Britain isleeyihiin 3dii dhibcood waad la hoyateen ayaa waxaa laf dhuun gashay ku noqday Moussa Konate kaasoo daqiiqadii 82d goolkii bareejada ahaa u dhaliyay xulkiisa Senegal. Britain oo ay tartankaan ugu danbeysay 1960 ciyaarihii Rome Games ayaa waxaa sabab u ahaa qilaaf dhanka siyaasada ah iyo kala aragti duwanaasho soo kala dhexgasha dalalka la isku yiraah Great Britain oo kala ah Wales, Scotland iyo Northern Ireland. Xiddiga Manchester United Giggs, oo 38 sano iyo 8 bilood jir ah ayaa noqday ciyaaryahanka ugu da’da weyn ee ka qeybgalaya ciyaaraha kubadda cagta Olympic-da. Britain ciyaarta soo socota waxey la ciyaari doontaa United Arab Emirates halka Uruguay ay la ciyaari doonto Senegal maalinta Axada ah. Sunni Said Salah
