Nistelrooy Oo Ka Naxay Markii Loo Sheegay Inuusan Boos Uga Banaaneyn Xulka Holland Ee Ka Qeyb Gelaya Qaramada Yurub
By: xusuus, Post on:7 April, 2012,

Gooldhaliyihii weynaa ee qaranka Holland Ruud Van Nistelrooy ayaa lagu qanciyey inuusan ka mid noqon doonin xidigaha dalkiisa u matalaya cayaaraha qaramada yurub ee ay sanadkan wada jirka u marti gelinayaan dalalka Poland iyo Ukraine.
Nistelrooy oo 35 jir ah ayaa dadaal weyn ugu jiray inuu ka mid noqdo xulka Holland ugu qeyb gelaya tartankaas laakiin waxey rajadiisu dhamaatay markii uu telefoon ka helay macalinka qaranka Holland Bert Van Marwijk oo u sheegay inuusan ka mid noqon doonin xidigaha uu u diyaarsadey qaramada Yurub sida ay qortey jariidada Algemeen Dagbaldet oo kasoo baxda dalka Holland.
Ruud Van Nistelrooy oo xaqiijiyey warkan ayaa ka xumaaday laakiin dhanka kale sheegay inuu fahmi karo go`aanka tababare Marwijk.
- Si fiican ayuu tababaraha arintan iigala macaamilay waana garwaaqsadey ayuu yiri Nistelrooy oo xulka Netherland usoo dhaliyey 35 gool 70 kulan oo uu usoo cayaaray.
Nistelrooy waxa uu tartanka gooldhalinta ka qaaday 3 kamid ah 5 horyaal ee aduunka ugu wanaagsan (Holland, Ingiriiska iyo Spain).
Wuxuu mar ahaa gooldhaliyaha ugu qatarsan aduunka isagoo 67 kulan oo uu u cayaaray kooxda PSV Eindhoven u dhaliyey 62 gool, markii uu usoo wareegay kooxda weyn ee Manchester United wuxuu u dhaliyey 95 gool 150 kulan oo uu saftay, markii uu aaday Spain iyo kooxda Real Madrid halkiisii ayuu kasii wadey gooldhalinta wuxuuna shabaqa ku luxay 46 gool 68kii kulan ee uu u cayaaray.
Van Nistelrooy waxa uu hada u cayaaraa kooxda Malaga ee horyaalka Spain isagoo rajeynayey inuu boos ka qalqaalsado xulka Holland ugu qeyb gelaayo tartanka qaramada Yurub taasoo hada meesha ka baxday.
Add a Comment on "Nistelrooy Oo Ka Naxay Markii Loo Sheegay Inuusan Boos Uga Banaaneyn Xulka Holland Ee Ka Qeyb Gelaya Qaramada Yurub"