Newcastle Oo Soo Ciriirisay Kooxaha London Ee Ku Dagaalamayey Kaalimaha 3aad Iyo 4aad

By: , Post on:7 April, 2012,
Share this story
Kooxda Newcastle ayaa soo ciriirisay kooxaha magaakada London ee ku dagaalamayey kaalimaha 3aad iyo 4aad markii ay 2-0 kusoo garaaceen kooxda Swansea.   Gooldhaliyaha cusub ee Newcastle Pappis Demba Cisse ayaa dhaliyey labada gool ee ay ku badiyeen una suura geliyey in kooxdiisa 2 dhibcood usoo jirsato kooxaha Arsenal iyo Tottenham isla markaana 3 dhibcood ka hormaraan kooxda Chelsea.   Cisse oo 26 jir ah ayaa sanadkan bilowgiisa laga soo gatay kooxda Freiburg ee dalka Jarmalka wuxuu 8 kulan oo uu saftay dhaliyey 9 gool isagoo gooldhalinta kala wareegay saaxiibkiis ay isku wadanka yihiin ee Demba Ba oo ka hor imaatankii Cisse dhaliyey 16 gool hase yeeshee ka dib aan wax gool ah dhalin.   Guushaan Newcastle waxey cabsi gelineysaa kooxaha reer London ee Arsenal, Tottenham iyo Chelsea oo dagaal weyn ugu jiray kaalinta 3aad oo kooxdii gasha toos ugu qeyb galeyso Champions League iyo kaalinta 4aad oo fursad u siineysa kooxda gasha ka qeyb galka Champions League.   - May anaga kuma jirno, hadii aan kaalinta 5aad gali karno waan arkeynaa ayuu ku jawaabay macalinka Newcastle Alan Pardew mar cayaarta ka dib la weydiiyey hadii ay ka mid yihiin kooxaha ku dagaalamaya 3aad iyo 4aad.   Newcastle ayaa horyaalka bilowgiisa ka mid aheyd kooxaha looga baqayey iney hoos ku noqdaan hase yeeshee gooldhaliyaha reer Senegal Demba Ba oo kooxo badan diideen inuu u cayaaro ayaa ka farxiyey taageerayaasha kooxda markii uu goolal cayaarba cayaarta ka dambeysa ku luxay shabaqa kooxihii kasoo horjeeday isagoo 16 gool dhaliyey 19kii kulan ee ugu horeeyey horyaalka Ingiriiska.   Laakiin hada qeybta gooldhalinta waxaa kala wareegay Cisse oo hada ka mid noqdey xidigaha ay isha ku hayaan kooxaha waa weyn ee Ingiriiska.   Kulamada todobaadkan ayaa u dhacaya sidan: 7. april Sunderland – Tottenham Norwich City – Everton Bolton – Fulham Liverpool – Aston Villa West Bromwich – Blackburn Chelsea – Wigan Stoke – Wolverhampton 8. april Manchester Utd – Queens Park Rangers Arsenal – Manchester City

Share This Post:

Categories
Sports  
Tags
Add a Comment on "Newcastle Oo Soo Ciriirisay Kooxaha London Ee Ku Dagaalamayey Kaalimaha 3aad Iyo 4aad"