Mu’tamarkii 8-aad ee Ahlunna waljamaaca ee qaarada yurub oo ka furmay Stockholm Sweden.

By: , Post on:23 June, 2012,
Share this story

Mu’tamarkii sideedaaad ee culumaa’udiinka ahlusunna waljamaaca ee qaarada yurub  ayaa sanadkan si rasmi ah uga furmay magaalada Stoclholm ee Xarunta dalka Sweden, iyada oo culumaa’udiin magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ay soo xaadireen.

Furitaanka Mu’tamarkan ayaa waxaa ka hadlay Macalin Saciid Xasan   oo sanadkan isaga iyo jameecadiisa ay marti galiyeen Mu’tamarka  waxa uuna ku soo dhaweeyey  culumaa’udiinka iyo dhamaan  jameecooyinka kala duwan ee ka soo qeybgalay  mu’tamarka sida qiimaha badan leh oo ay  u soo xaadideen.

Mu’tamarkan ayaa waxaa muxaadarooyin qiimo badan xambaarsanaa ka soo jeediyey  Culimaa’udiinka kala ah .

Sh. Muuse Cadde oo ka yimid Holand, Sh. Axmed C/kariin oo ka yimid Norway, Shiikh fanax oo ka yimid  Uk Sh. C/raxmaan Sh. Muxudiin Celi oo ka yimid  Gothenburg Sweden, iyo Sh. Daahi Xaaji Xasan.

ka  hor furitaanka Mu’tamarka ayaa waxaa jameecooyinka kala duwan  ee isaga kala yimid  sweden iyo wadamada ku xeeran ay soo bandhigeen xalqooyin digri salaam ah, iyo nabi amaan, waxaana  digri salaamkan iyo  subac quraanka kariimka ah  uu illaa iyo xalay  ka socday  Xaafada tenesta ee isla magaalada Stockholm.

Mutamarka sanadkan ayaa waxaa  ka soo qeybgalay boqolaal isugu jiray  culumaa’udiin, dadweyne aad u fara badnaa kuwaas oo qalbi qushuuc ku dheehan yahay  ku dhageysanayey muxaadarooyinka qiimaha leh oo ay culimadu soo bandhigayeen.

Abaabulka iyo qaban qaabada mu’tamarkan ayaa waxa ay aheyd mid aad u sareysay marka laga eego gudiyada loo xilsaaray  deegaanka, raashinka iyo nidaamka kuwaas oo si qurux badan iskula shaqeynayey, taasina waxa ay aheyd mid  soo  jiidatay ka qeybgalayaasha mutamarkan.

Caawa ayaa la filayaa in la soo gunaanado mutamarkan, waxaana  muxaadarooyinka maanta ku qoran culumaa’udiin uu ka mid yahay shiikh Muxudiin Xasan Ayaanle , Sh, cali Loobage  iyo culumaad’udiin kale .

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Mu’tamarkii 8-aad ee Ahlunna waljamaaca ee qaarada yurub oo ka furmay Stockholm Sweden."