Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xarun ka furatay Ceelasha Biyaha

By: , Post on:3 June, 2012,
Share this story

Maxkamada ciidamanka qalabka sida ayaa maanta xarun ka furatay deegaanka Ceelasha Biyaha oo todobaadki hore ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Xafiiskan cusub ayaa laga furay xarun ay Al Shabaab lacago uga qaadi jireen gaadiidka dadweynaha ee halkaasi ka shaqeeya, waxaana munaasabadi lagu furay ka qeybgalay wasiiru dowlaha wasaarada difaaca Soomaaliya iyo gudoomiyaha ciidanka maxkamada qalabka sida Xasan Xuseen Muungaab.

Hadal uu goobta ka jeediyey Colonel Muungaab ayuu ku sheegay in maxkamada ay xakumi doonoto cid walba oo hubeysan oo dad rayid ah gumaada sidoo kalana loo furay sidi loo saari lahaa shaqsiyaadka ka tirsan Al Shabaab.

Waa xafiiski ugu horeeyey oo ay maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya ka furato gobolka Shabeelaha hoose tan iyo marki la aas aasay

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo xarun ka furatay Ceelasha Biyaha"