Juve oo 2 ciyaartoy heshiiskooda kordhisay

By: , Post on:7 April, 2012,
Share this story

juventus ayaa qandaraaskii ay kula joogeen Leonardo Bonucci iyo Alessandro Matri kordhisay, waxeyna u suuragalineysaa in ay kooxda la joogaan ilaa iyo inta laga gaarayo June 2017, waxaa sidaasi laga soo xigtay Juve.

Difaaca khadka dhexe Bonucci ayaa yimid Old Lady of Turin markii uu ka soo tagay Bari bishii June 2010 halka Matri laga soo qaatay Cagliari bishii January ee 2011. Warkaasi wuxuu soo dhacay maalmo kadib markii difaaca qeybta danbe ee Paolo De Ceglie uu sidoo kale qalinka ku duugay 5 sano oo heshiis dheeri ah. Bonucci wuxuu dhaliyay gool ka mid ah 3-0 ay horyaalka Serie A kaga adkaadeen Napoli todobaadkaan taasoo u suuragalisay Juve in ay ku dhawaato AC Milan oo 2 dhibcood horyaalka ku hogaamineysa. Matri waa ciyaaryahanka goolasha ugu badan xilligaan u dhaliyyay kooxdaasi wuxuuna ilaa iyo hada dhaliyay  10 gool 26 kulan oo uu ciyaaray.
ciyaaro@gmail.com

Share This Post:

Categories
Sports  
Tags
Add a Comment on "Juve oo 2 ciyaartoy heshiiskooda kordhisay"