Golaha Wasiirada oo kulan xasaasi ah yeeshay(Warsaxaafadeed)

By: , Post on:5 April, 2012,
Share this story

Warsaxafadeed:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali, loogana hadlay Qaraxiiis-miidaaminta ee shalay ka dhacay Tiyaatarka, heshiiskii Gaalkacyo, arrimahaamniga iyo goboladda, Is-afgaradkii Soomaaliya iyo Jarmalka kala saxiixdeen31kii Maarso 2012 iyo heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga miinooyinka. GolahaWasiiradu waxey si kulul u cambaareeyeen falkii shalay dhacay ee haweeney iskuqarxisay Tiyaatarka oo ay ku dhinteen madaxdii Isboortiga Soomaaliya iyo dadkale kuna tilmaameen mid fuleynimo ah. Golahu waxey isku raaceen in loobaahanyahay in tallaabo adag laga qaado cidii mas’uuliyadeeda leh ka dib markala baaro. Golahu waxey isku raaceen: in Guddoomiyahii Olombikada Qaranka Aden     Yabarow Wiish iyo Madaxii Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaranka Siciid Maxamud     Nur (Mugabe) loo diro tacsi heer qaran ah, isla markaana golahu u     tacsiyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii intii ku     geeriyootay, una rajeeyey caafimaad buuxa dhammaan intii ku dhaawacantay. Guddi     heer wasiiro ayaa la magacaabay si ay baaritaan dhab ah ugu sameeyaan     falkii shalay dhacay isla markaana uu Ra’iisul Wasaarahu amray inay     warbixin ku soo gudbiyaan 24saac gudahooda. Guddi     heer wasiir ah ayaa la magacaabay oo ka howlgala sidii dhaawaca culus     loogu raadin lahaa caafimaad dalka dibeddiisa ah iyadoo lala kaashanayo     waddamada aan saaxiibada nahay. Ra’iisul     Wasaarahu waxuu caddeeyey in falkan loo baahanyahay in cashar laga qaato     oo tallaabo adag laga qaado cid allaale iyo ciddii mas’uuliyadda falkan ku     cadaato. Ra’iisulWasaaraha ayaa golaha siiyey warbixin ku wajahan heshiiskii Gaalkacyo aysaxiixayaasha Roadmap ka ku yeesheen 26kii Maarso, waxuuna sheegay inmas’uuliyadda soo xulidda xubnaha Guddiga Ansixinta Dastuurka ay leeyihiinmadax dhaqameedka Soomaaliyeed oo ay saacidayaan bulshada rayidka ah. Sidookale in 135 madax dhaqameed ee matala dhammaan beelaha Soomaaliyeed iyadoo laguqeybsanayo habka 4.5 ay isagu imaanayaan Muqdisho 25ka April 2012 si ay ubilaabaan soo xulidda xubnaha Guddiga Ansixinta Dastuurka. In tiradii 1000 kaergo laga dhigay 825 oo loo arkay in tiradan ay si sahlan ugu qeybsami karto habka4.5 oo leh raadraac hore. Wasiirada Amniga ayaa waxey ka warbixiyeen amniga guud ee dalka iyo howlgalka lagu soocelinayo amniga. Arrimihii howlgaladda waxey u socdaan sidii loogu talo galayoo dhowaan la rajeynayaa in deegaano cusub laga xorreeyo kooxaha nabad diidkaah ee Al-Shabaab. Golahu waxey isku raaceen in xasilinta dalka,dib-u-heshiisiinta shacabka deegaanka, gaarsiinta adeega bulshada iyo sameyntamaamulada ay muhiim tahay loona baahanyahay in shacabka deegaanada lagu dhiirigeliyo inay xasilinta dalka qeyb weyn ka qaataan. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa golaha warbixinka siiyey safar uu Muqdisho ku yimid Wasiirka dhaqaalaha iyo horumarinta eeJarmalka 31kii Maarso, isla markaana Dowladdaha Soomaaliya iyo Jarmalka ay kalasaxiixdeen Is-afgarad ay Dowladda Jarmalku ugu yaboohday Soomaaliya lacag dhan94 million Euro oo mashaariic horumarin loogu sameynayo Soomaaliya iyo 6million oo ay ugu talo galeen magaalada Muqdisho. Golahu waxey dowladda Jarmalkauga mahadceliyeen kaalmadaas oo ay weliba si toos ah ula galeen Dowladda. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha iyo La Taliyaha Sharciga ee Xukuumadda ayaa golaha siiyey warbixin ku saabsan Heshiiska (Treaty) Caalamiga ah ee ka hor-tagga Miinooyinka oo ay 158 dal horey u saxeexeen oo Dowladda Soomaaliya aysan welisaxiixin heshiiskan. Bacdamaa heshiiskan uu yahay mid caalami ah oo lagumamnuucayo isticmaalka dhammaan miinooyinka, waxaa muhiim ah in Soomaaliya aysaxiixdo oo ay sahlayso in shacabka soomaaliyeed ay helaan kaalmooyin kuwajahan wax-u-qabadka dadka ku aafoobey dhibaatooyinka miinooyinka. Dood dheerka dib Golahu waxey isku wada raaceen in heshiiskan la saxiixo.

-      END

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Golaha Wasiirada oo kulan xasaasi ah yeeshay(Warsaxaafadeed)"