Gabadha ugu goolasha badan Olympic-da adduunka

By: , Post on:27 July, 2012,
Share this story
CARDIFF, Wales (CIYAARO) — Gabadha weerarka kaga ciyaarta xulka haweenka kubadda cagta Brazil Cristiane ayaa noqotay gabadha goolasha ugu badan ka dhalisay taariikhda ciyaarah Olympics markii ay goolkeedii 11d ka dhalisay tartanka Olympic-da ciyaartii ay 5-0  xalay kaga badiyeen haweenka Cameroon. Cristiane waxey record-kaan ka jabisay gabadha reer Germany Birgit Prinz  ee hadda ciyaaraha ka fariisatay taasoo gool dhalinta u taala tartanka Olympic-da ku hogaamineysay 10 gool. Gabadha 27-sano jirka ah ee reer Brazil waxey goolkeeda ay taariikhda cusub ku dhigtay ay dhalisay daqiiqadii 80d ee ciyaarta markii ay pass cajaa’ib ah ka heshay saaxiibteed Marta. “Waa fursad qaali ah, markaan waxaan rabaa gool kale oo aan taariikhdaan ku sii kordhiyo,” ayeey tiri Cristiane, oo ciyaaraha Olympics ka qeybgaleysa markii 3aad taariikhdeeda. Cristiane waxey isku dayeeysaa in ay Brazil u qaado koobkaan. maadaama ay hablaha Brazil 2dii tartan ee ugu danbeysay ay qaateen biladaha qalinka markii laga qaaday koobabkii,  mar waxey ku hor qasaareen United State. marka kalana Germany. source cayaaraha.com

Share This Post:

Categories
Sports  
Tags
Add a Comment on "Gabadha ugu goolasha badan Olympic-da adduunka"