Farxiya: xidig kubada koleyga ah oo indhaha lagu wada hayo.
Kooxda LA Sparks oo ka dhisan dalka Mareykanka ayaa heshiis taariikhi ah la saxiixatay Farxiya Abdi oo ah gabar Soomaaliyeed laakiin haysta dhalashada dalka Sweden.
Farxiya waa gabdhii ugu horeysay abid ee ka ciyaarta WNBA oo ah horyaalka kubada koleyga ee dalka Mareykanka, waa gabar 20 jir ah oo hada ka ciyaarta dalka Czeck gaar ahaan kooxda frisco Brno oo ay u tahay xidigad aad loo jecelyahay hab ciyaareedkeeda.
Saciido iyo Ali Abdi waa waalidka dhalay xidigtaan mustaqbalka iftiimaya leh, waxa ay dalka Sweden soo galeen 1980kii, Farxiya ayaana ugu yar 7 caruur ah oo walaaleheed ah, waxa ayna kubadeedii ugu horeysay kor u tuurtay iyadoo 11 jir ah, halka ay ciyaarteedii ugu horeysay kubada koleyga ciyaartay markii ay 14 jir ahayd.
Xidigtan iftiimeysa waqti dheer kuma qaadan inay ka guul gaarto jaceylkeeda kubada koleyga. iyada oo noqotay ciyaariyahanadii ugu wanaagsaneyd ciyaarihii kubada koleyga ee 16 jirka qaarada Yurub MVP, sidoo kale ayey ku guuleysatay horyaalka Sweden iyo weeraryahanada ugu wanaagsan abaal marin la siiyay, sidoo kale ciyaaraha kubada koleyga ee dalka Czeck ayey ka noqotay xidigtii ugu wanaagsaneyd da’ yartii la ciyaareysay.
Hadaan nahay bahda ciyaaraha jecel gaar ahaan kuwa dalkeena iyo dadkeena waxaan u rajeyneynaa Farxiya inay guul weyn ka gaarto dadaalkeeda iyo horumarkeeda sport, sidoo kale ayaan u hambalyeyneynaa waalidkii ku dhiiri geliyay sidii ay heerkan u gaari lahayd. Deeyoo Sport

