Dowladda Falastiin oo si rasmi ah safaarad uga furatay Soomaaliya

By: , Post on:21 April, 2012,
Share this story

Dowlada Falastiin ayaa mudo 21 sana ah kadib maanta usoo magacaabatay Soomaaliya safiir cusub kaasi oo maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa ka gudoomay warqadaha lagu soo magacaabay danjiraha cusub ee Falastiin kaasi oo noqday safiirki ugu danbeeyey ee kusoo biira danjirayaasha dalalka saaxibada la ah Soomaaliya ee haatan ka howlgala caasimada.

Safiirka oo lagu magacaabo Kaalim Abdullaahi ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono xiriirka dalalka walaalaha ah ee saaxibada ah, sidoo kale waxa uu ka mahad celiyey sida loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ay marti gelineysaa safaarado badan oo ay ugu weyntahay safaarada Turkiga, kuwa kalana waxa ay kala yihiin, Safaarada Jabuuti, Yemen, Talyaaniga, Ethiopia iyo xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Dowladda Falastiin oo si rasmi ah safaarad uga furatay Soomaaliya"