Dagaalo xoog leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

By: , Post on:22 April, 2012,
Share this story

Dagaalo xoog leh oo u dhaxeyyey ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo kuwa Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan ooo ahaa mid socday xalay fiidkii ilaa saqdii dhexe ayaa labada dhinac waxa ay isu adseegsadeen hub  culus, waxa uuna dagaalka ka dhacay degaanda Sarkuus ilaa degaanda Xoosh ee duleedka magaalada Muqdisho.

Weerarka dagaalkan uu ku biloowday ayaa  ka dhashay weerar dagaalyahano Al Shabaab ah ay ku soo qaadeen goobaha dagaalka uu ka dhacay ma jirto war ka soo baxay dhanka Dowladda KMG oo ku aadan dagaalka xalay.

Hayeeshee Idacad ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa sheegeeysa in dagaalka xalay guulo xoog leh ay ka gaareen islamarkaana ay ku dileen ciidamo ka tirsan Amisom iyo  Dowladda KMG.

Al Shabaab ayaa ku awood beelay dagaaladi ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyagoona haatan laga saaray gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdsisho.

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Dagaalo xoog leh oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho"