Baaq ka soo baxay waxgaradka ka soo jeeda Degmada Cadale ee ku sugan London Uk

By: , Post on:9 June, 2012,
Share this story

Shirkan oo ahaa mid si heersare ah u u baabulan ayaa waxaa isugu yimid xubna isugu jiray waxgarad,aqoonyahno iyo culumaa’udiinka soo jeeda beesha Cabdalla-Caroone oo katirsan beelaah mudulood

iyadoo u jeedada shirka ay aheyd mid xambaarsan arima laxariira xaaladda siyaadda kala guurka ah ee soomaaliya iyo sidoo kale gargaarka bani’aadanimada gaar ahaan degaanada hoosyimaada degmada Cadale oo aan ilaa iyo iminka laga gaarsiin gurmadkii loo baahnaa si loo kaalmeeyo dadka ay dhibaatada ka soo gaartay abaartii ku dhufatay koonfurta soomaliya sanadkii hore xubnihii ka hadlay goobta shirka ayaa isku raacay dhamaantoodba iney muhiim tahay in la taageero DKMG iyo hanaanka dib u xoreeynta dalka oo ay hurmuudka ka yihiin ciidamada qalabka sida ee soomaaliya iyo kuwa amisom ee iyagu howlgalada kawada dalka soomaaliya hase ahaatee gababagadii shirka ayaa waxaa baaq wada jir ah loogu dirya hay’addaha gargaarka iyo DMKG ahba iney fiira gaar ah u yeeshaan dadka ku nool shabbeelada dhexe gaar ahaan deegaanada hoosyimaada Cadale iyo tuulada Xaaji Ali halkaasi oo ay wali ka muuqato diifta abaarta ee saameeysay sanadkii tagay dhinaca kale xubnaha shika isug yimid ayaa sidoo kale is tusay iney muhiim tahay in iyagu nafsad ahaantooda looga baahanyahay iney u istaagaan sidii ay gacan uga geeysan lahaayeen hormarinta dadka deegaanadaasi ku dhaqan waxaana ay go’aansadeen in shirkan midkiisa xiga leesugu yimaado magaalada London 17 juun halkasi oo laga sii anbaqaadi doono sidii loo dardargilin lahaa howlaha siyaasada iyo gargaarkuba.

Ahmed Hassan

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Baaq ka soo baxay waxgaradka ka soo jeeda Degmada Cadale ee ku sugan London Uk"