Allaha u naxariisto Marxuum Axmed M. Gdafeey oo maanta Katrineholm lagu aasay.

By: , Post on:17 August, 2012,
Share this story

Dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada katrineholm oo isugu jira, ehel walaalo, asxaab caruur iyo ciroole iyaga oo ka tiiraanyeysan waxa ay tacsi u dirayaan ehelka iyo qaraabada  marxuum Axmed Sh Cabdi Gadafeey oo maanta  lagu aasay Magaalada Katrineholm una hoyday hoygiisii runta ahaa,  si gaar ah waxa ay uga tacsiyeynayaan walaalkiis Nuur Sh. Cabdi Gadafeey ( Ceydid) iyo walaalaha kale ee cabdulqadir sh cabdi gedefeey muumina sh cabdi gedefeey madiino sh cabdi gedefeey mako sh cabdi gedefeey siciido sh cabdi gedefeey sacdiyo sh cabdi gedefeey iyo Maxamuud Aadan Masagawaay iyo caruurtiisa, waxa ayna leeyihiin samir iyo iimaan allaha inaga siiyo walaalkeen axmed.

Sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Flen iyaga oo isku duuban  waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehalada iyo asxaabta Marxuum Axmed Macalin Cabdi Gadafeey, iyaga oo tacsidana gaarsiinayo  walaal  Nuur Sh. Cabdi Gadafeey ( Ceydid) iyo walaalaha kale ee cabdulqadir sh cabdi gedefeey muumina sh cabdi gedefeey madiino sh cabdi gedefeey mako sh cabdi gedefeey siciido sh cabdi gedefeey sacdiyo sh cabdi gedefeeyoo iyo Maxamuud Aadan Masagawaay oo  ay leeyihiin samir iyo iimaan allaha naga siiyo walaalkeen, anagana gadaashiisa illaahey nama fitneeyo. Aamiin.

Sidoo kale Jaaliyada soomaaliyeed ee Magaalada Stockholm, gaar ahaan Xaaji Abuukar Caraay Maxamed Mukhtaar, Xamdi Caraaye, Cabdi Dhuxul iyo Cali Jilicow iyo Sh. Cabdi Casiis iyo ehelada iyo qaraaabada kale waxa ay  dirayaan tacsi tiiraanyo leh, oo ay gaarsiinayaan ehelka iyo walaalaha  marxuum Axmed Macalin Cabdi Gadafeey Maxamuud Aadan Masagawaay oo maanta lagu aasay magaalada katrineholm.

Si gaar ah aniga oo ah Wariye C/raxmaan Xudeyfi waxaan tacsi tiiraanyo leh gaarsiinayaa  dhamaan walaalaha katrineholm, iyo ehelada  iyo qaraabada si gaar ah waxaan ugu tacsiyyeynayaan walaalkeey Nuur  Macalin Cabdi Gadageey (Ceydiid)Nuur Sh. Cabdi Gadafeey ( Ceydid) iyo walaalaha kale ee cabdulqadir sh cabdi gedefeey muumina sh cabdi gedefeey madiino sh cabdi gedefeey mako sh cabdi gedefeey siciido sh cabdi gedefeey sacdiyo sh cabdi gedefeey Maxamuud Aadan Masagawaay iyo Caruurtiisa oo walaalkood Axmed Sh Cabdi uu ku geeriyooday Magaalada Katrineholm, waxaan leeyahay  Walaalkeen samir iyo iimaan allaha kaa siiyo, geeridu waa xaq, qof kastana maalin ayuu dhimanayaan, ma dhinte waa illaah ee illaahey naxariistii janno ha siiyo walalakeen, anagana illaahey gadaashiisa nama fitneeyo. Aamiin

Share This Post:

Categories
Tags
Add a Comment on "Allaha u naxariisto Marxuum Axmed M. Gdafeey oo maanta Katrineholm lagu aasay."