Adebayor oo joogistiisa Tottenham shaki la galiyay
By: xusuus, Post on:7 April, 2012,
Macalinka Tottenham Harry Redknapp ayaa sheegay inuusan ogeyn in Emmanuel Adebayor oo haatan qaab deyn ah ugu ciyaara kooxda uu la joogi doono iyo in kale.
Weeraryahanka reer Togolese ayaa Spurs u yimid markii uu ka soo tagay Manchester City bishii August isagoo ilaa iyo hada kooxda u dhaliyay 14 gool.
Redknapp wuxuu sheegay in 28-sano jirkaasi ay ka wada hadli doonaan gudoomiyaha kooxda markii uu xilli ciyaareedkaan dhamaado. lamana sheegi karo wax uu mustaqbalkiisa kooxda uu noqon doono.
Adebayor ayaa sababta shakiga galisay joogistiisa Tottenham, waxey tahay isagoo todobaadkii mushaar ahaan u qaata £170,000 taasoo soo dadajin karta in aan wax wada hadal ah lala galin.
Ciyaaro.com
Add a Comment on "Adebayor oo joogistiisa Tottenham shaki la galiyay"